Gurigii Dhaqtar Shaafici Dirir iyo dhulkii Isbitaalka Xamar oo la burburiyey & Musuq-maasuqa DF ee xargaha goostay

Wararka laga helayo degmada Hodan ayaa sheegaya in saaka la burburiyey guriga Dr. Shaafici Aadan Diirir, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa dhulkii hore ee Isbitaalka Xamar.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in goobta ay tageen xildhibaano watay saxiixa Madaxweynaha, ganacsato iyo ciidamo boolis ah, kuwaas oo la sheegay inay fuliyeen burburinta guriga.
Sidoo kale, cagaf ayaa la geliyey masaajidka iyo goobo kale oo ku dhowaa Isbitaalka Xamar, iyadoo dadka deegaanka loo sheegay in dhulka ay ganacsato ka iibsadeen, isla markaana ay arrintaas taageero ka heleen xildhibaano lala xiriirinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhanka kale, waxaa soo baxaya cabashooyin la xiriira lacag laga dalbanayo dadka qaar ee ku nool ama danaynaya dhulkan. Dadka qaarkood ayaa la sheegay in laga doonayo lacag gaareysa $18,000 oo dollar, taas oo lagu sheegay in loogu cusboonaysiinayo ama loogu beddelayo sharciyadii hore ee ay haysteen.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo xooggan oo ku saabsan cidda leh dhulka, habka loo bixiyey waraaqaha lahaanshaha, iyo sababta dadka looga dalbanayo lacagaha cusub, iyadoo dadka deegaanka ay dalbanayaan in si cad loo soo bandhigo dukumentiyada sharciyeed ee salka u ah tallaabada lagu burburiyey goobaha.
Banaadir24 Online waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdadan iyo cid kasta oo ku lug leh, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo jawaabaha hay’adaha dowladda, maamulka degmada Hodan iyo dadka sheeganaya lahaanshaha dhulka.









