LOCAL NEWSOPINIONSWARARKA

Baydhabo oo qarka usaaran dagaal cusub & Ciidamada Laftagareen oo…

Ciidamada Darawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa lagu soo warramayaa inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka magaalada Baydhabo, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed iyo amni ee magaalada ay mar kale isu beddesho dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ee taageeraya hoggaanka Sheekh Aadan Madoobe ay xalay xoojiyeen fariisimahooda difaaca ee xaafadaha Al-Faras, Boonkey, Towfiiq, Onodka iyo Iidow-Dhagal.

Ilo wareedyo ayaa Banaadir24 u sheegay in dowladda federaalka labadii maalin ee lasoo dhaafay ay Baydhabo geysay ciidamo ka tirsan kumaandooska Gorgor si ay u adkeeyaan ammaanka Baydbano ugana hortagaan weerarada ciidamada Laftagareen ee kusoo dhowaanaya magaalada Baydhabo.

Ilaa hadda ma cadda in dhaqdhaqaaqa ciidamada Darawiishta uu yahay diyaargarow weerar cusub oo lagu qaadayo Baydhabo ama uu yahay abaabul ciidan oo caadi ah.

Xiisadda Baydhabo ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn u sii xoogeysanaysay, iyadoo dagaallo culus ay magaalada iyo duleedkeeda ka dhaceen, gaar ahaan iska horimaadyadii u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogagga taabacsan Laftagareen. 

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo si cad uga hadlay dhaqdhaqaaqyada caawa.

Banaadir24 Online ayaa si dhow ula socda xaaladda Baydhabo iyo wixii kusoo kordha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *