Al-Shabaab oo hoobiyeyaal ku weeraray saldhigga ciidamada dowladda ee…

Dagaal culus ayaa maanta laga soo sheegay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay iska horimaadyo dhex mareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Dagaalka ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay aroornimadii madaafiic hoobiyeyaal ah ku weerareen saldhig ciidan oo ay dowladda ku leedahay gudaha Baardheere.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyo xooggan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, kadib markii madaafiicdu ay ku dhaceen gudaha ama agagaarka xarunta ciidamada. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay si degdeg ah u xoojiyeen ammaanka iyo difaacyada goobahooda kadib weerarka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka, sidoo kalena lama xaqiijin tirada khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ama burburka ka dhashay madaafiicda.
Baardheere ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga iyo isku socodka gobolka Gedo, iyadoo ku taalla hareeraha webiga Jubba. Magaalada ayaa sidoo kale isku xirta waddooyin muhiim ah oo mara Gedo iyo dhanka gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab ay weli ku leedahay joogitaan xooggan.
Banaadir24 Online — Wararka Soomaaliya iyo Caalamka.









