Dowladda Uganda oo ku hanjabtay inay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya


Taliyaha Militeriga Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu qorsheynayo inuu kala baxo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya wixii ka dambeeya bisha July ee sanadkan 2026, haddii aan la helin lacag dhan $1 bilyan oo uu sheegay inay mas’uul ka tahay dowladda Turkey.
Muhoozi ayaa ku dooday in Turkiga uu si weyn uga faa’iideysanayo dadaallada amni ee ay Uganda ka fulisay Soomaaliya, isagoo xusay in askar badan oo Ugandese ah ay ku dhinteen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, wuxuu si kulul u sheegay in haddii aan arrintan xal laga gaarin, uu xiri doono safaaradda Turkiga ee Uganda, taasoo muujineysa khilaaf sii xoogeysanaya oo ka dhex aloosan labada dhinac ee ku saabsan doorka amniga Soomaaliya.
Uganda ayaa ah dalka ciidanka ugu badan ku leh howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ay dalka yimaadeen sanadkii 2007, xilligaas oo la bilaabay howlgalka lagu taageerayo dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo Al-Shabaab loona xasiliyo amniga guud ee dalka.
Hanjabaaddan cusub ayaa imaneysa xilli xaaladda amni ee Soomaaliya ay weli tahay mid xasaasi ah, waxaana suurtagal ah inay saameyn ku yeelato howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab haddii ay dhab noqoto bixitaanka ciidanka Uganda.









