Dowladda Soomaaliya oo soo saartay Go’aan ka dhan ah Dadk aan heysan Kaarka NIRA

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa soo saartay wargelin rasmi ah oo ku socota dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, taas oo lagu sheegay in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026 aan la aqbali doonin codsiyada baasaboorka ee dadka aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ama shahaado rasmi ah oo lagu caddeynayo in qofku diiwaangashan yahay.
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta iyo amniga dokumentiyada rasmiga ah ee dalka.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si cad u sheegtay in qof kasta oo doonaya inuu codsado baasaboorka Soomaaliya laga doonayo inuu marka hore haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama warqad caddeyn ah oo muujinaysa in uu diiwaangashan yahay.
Sidoo kale, hay’addu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed ee aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Qaranka inay si deg deg ah u bilaabaan isdiiwaangelinta iyo qaadashada kaarkaasi, si looga fogaado caqabado ka yimaada adeegyada socdaalka iyo baasaboorka mustaqbalka.
Dhanka kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale shaacisay isbeddel kale oo ku saabsan habraaca codsiga baasaboorka. Hay’addu waxay sheegtay in dukumentiyada lagu dalbanayo baasaboorka ay hadda kadib noqon doonaan nuqullo (copies), halka dukumentiyadii asalka ahaa lagu celin doono codsadaha marka la hubiyo.
Go’aankan cusub ayaa si rasmi ah u dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka May 2026.










