LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo ku baaqday in laga hortago qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasiirka Warfaafinta ee Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa baaq culus u diray waxgaradka Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay door muuqda ka qaataan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee lagu jiro.

Qoraal uu wasiirku soo saaray ayuu si toos ah ugu hadlay xaaladda Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed oo suuragal ah.

“Neef gowracan, sideedaba geedo kama waabto. Waxaa gabaabsi ah muddada xilka dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay harsan yihiin maalmo kooban oo go’aan masiiri ah lagu wajahayo ayuu yiri.” Wasiirka.

Cabdifataax Mukhtaar ayaa tilmaamay in 15-ka May ay tahay maalin xambaarsan mustaqbalka dalka, maadaama ay ku beegan tahay dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in waqtigan uu yahay mid u baahan feejignaan, talo mideysan, iyo dadaal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo kala guur nabdoon.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa si gaar ah ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, iyo guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed inay “gacanta qabtaan” Madaxweynaha, isagoo ula jeeday in la siiyo talo, taageero iyo hagid si looga fogaado xaalad hubanti la’aan ah.

“Waa xilli uu u baahan yahay in odayga gacanta la qabto, si loo helo hoggaan masuul ah iyo kala guur nabdoon oo lagu badbaadinayo qaranka,” ayuu yiri wasiirku.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Jubbaland wuxuu muujinayaa culayska siyaasadeed ee taagan iyo sida ay muhiim u tahay in la helo wada-tashi qaran. Indhaha ayaa hadda ku sii jeeda sida ay waxgaradka Soomaaliyeed uga falceliyaan baaqan, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu wajahayo 15-ka May oo noqotay maalin go’aan weyn u leh mustaqbalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *