Golaha Mustaqbalka oo digniintii ugu dambeysay u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen 14-ka Abriil 2026 ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ah digniin ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku socdo jid halis gelin kara geeddi-socodka dowlad-dhiska, isla markaana horseedi kara cawaaqib xumo culus. Waxay tilmaameen in khatartaas ay ka mid yihiin burbur hantiyadeed, xasilooni darro amni, kala tag siyaasadeed iyo dhaawac weyn oo soo gaara hannaanka dowladnimada Soomaaliya.
Goluhu wuxuu xusay in muddo xileedka madaxweynaha uu si rasmi ah u dhammaanayo 15-ka Bisha May 2026, taasoo ka dhigan in dalka uu galay marxalad dastuuriyan xasaasi ah. Iyagoo arrintaas ka duulaya, waxay ku baaqeen in la qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si dhow ula socdaan xaaladda dalka, islamarkaana ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah si loo ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida.
Ugu dambeyn, goluhu wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah uga qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho waafaqsan dastuurka, si looga hortago qalalaase hor leh oo ka dhaca dalka.
War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimada Soomaaliya.










