Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay in laga hortago damaca guracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in maanta oo kale afar sano ka hor la dhaariyay Golaha Shacabka ee hadda muddo-xileedkiisu dhammaaday, taasoo uu ku tilmaamay in ay soo afjartay sharciyaddii tiirkii ugu muhiimsanaa ee nidaamka dowliga ah.
Qoraal uu soo saaray ayuu xildhibaanku ku xusay in xildhibaanada iyo Madaxweynaha lagu doortay, laguna dhaariyay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee sanadkii 2012, balse maanta aysan jirin doorasho la isla oggol yahay oo lagu maareeyo xaaladda kala guurka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintan ku tilmaamay “fashil hoggaamineed oo si ula kac ah loo qorsheeyay”, isagoo ka digay in ay khatar ku tahay dowlad-dhiska Soomaaliya. Wuxuu sheegay in halkii la isku keeni lahaa shacabka, hoggaanka dalka uu diiradda saaray raadinta sharciyad iyo taageero diblumaasiyadeed oo laga helo beesha caalamka.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu wado hannaan doorasho oo uu isagu dejiyay, gacantiisana ku maamulayo, isla markaana uu ku maalgelinayo hanti uu ku tilmaamay mid laga lunsaday dhulka dowladda.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in dalka la hor keenay laba doorasho oo kala ah “isku caanashub ama fawdo”, balse uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed si cad u diideen arrintaas.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wixii ka dambeeya 15-ka May uu dalku geli karo firaaq dastuuri ah, Baarlamaan aan sharciyad lahayn, iyo Madaxweyne aan sharci ku joogin xilka.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, waxgaradka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u istaagaan sidii looga hortegi lahaa waxa uu ku tilmaamay “damac gurracan”, isla markaana loo xaqiijin lahaa kala guur nabdoon, sharci ah, oo heshiis lagu yahay.









