Gantaalo lagu garacaay saldhigyo iyo xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Duqeymo culus oo ay fuliyeen saaxiibbada caalamiga ah ayaa fiidnimadii Isniinta ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la beegsaday goobo dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay inay isticmaalaan Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, duqeymaha ayaa billowday wax yar kaddib qorrax dhicii, waxaana magaalada oo dhan laga maqlay qaraxyo isdaba joog ah. Goobaha la beegsaday waxaa kamid ahaa xarunta loo yaqaan Villa Aadan Yabaal iyo dhismayaal kale oo la rumeysan yahay inay kooxda u adeegsan jirtay kulammo iyo qorsheyn howlgallo.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarradu ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen xarumo looga shakisan yahay inay ahaayeen goobaha abaabulka iyo taliska Al-Shabaab, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin bartilmaameedyada saxda ah iyo khasaaraha ka dhashay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr gantaal ay ku dhaceen meelo kala duwan oo magaalada ah, taasoo sababtay jug xooggan oo laga dareemay qaybo badan oo Aadan Yabaal ah. Ilaa hadda lama xaqiijin tirada khasaaraha dhimasho ama dhaawac iyo burburka ka dhashay duqeymaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan howlgalka iyo natiijadiisa.









