LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kiiska Nairobi oo Dib U Huriyay Sheegashooyinka Lacag Dhaqidda iyo Musuq Maasuqa ee Villa Somalia

Eedeymo cusub oo culus ayaa soo baxay kadib wararka sheegaya in mas’uul Soomaali ah,laguna magacaabo Abshir Bukhaari, loo diiday inuu galo dalka Kenya islamarkaana dib loogu celiyay Muqdisho.

Qoraallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ku andacoonaya in Bukhaari, oo lagu tilmaamay inuu ka mid yahay dadka ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, lagu qabtay isagoo watay laba baasaboor, midkoodna la sheegay inuu yahay baasaboor Kenyan ah oo si sharci darro ah lagu helay.

Ilo aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sidoo kale ku doodaya in baaritaanno ay wada wadaan hay’adaha amniga Kenya iyo Mareykanka ay diiradda saarayaan eedeymo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin lagu sameeyay hanti ma-guurto ah oo ku taal magaalada Nairobi, iyadoo lagu andacoonayo in lacagahaasi ay xiriir la leeyihiin fadeexaddii musuqmaasuqa ee ka dhacday gobolka Minnesota ee Mareykanka.

Sheegashooyinkaasi waxay intaas ku darayaan in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ama shaqsiyaad ku dhow dhow madaxtooyada ay xiriir la leeyihiin maalgashi lagu sameeyay Kenya, hase yeeshee ma jiraan wax caddeyn rasmi ah ama dacwad maxkamadeed oo si toos ah u xaqiijisay eedeymahaas.

Ilaa hadda, dowladda Kenya, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI) midkoodna ma soo saarin war rasmi ah oo xaqiijinaya sheegashooyinkaasi ama magacaabaya shaqsiyaadka lagu eedeeyay.

Haddii ay soo baxaan warar rasmi ah ama dukumiintiyo maxkamadeed oo arrintan la xiriira, waxay wax badan ka iftiimin doonaan saxnaanta eedeymaha hadda la isla dhexmaray

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *