Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya oo Gashay Marxalad Halis Ah, Mareykanka & UK oo Faragelin Toos Ah Bilaabay

Ilo xog-ogaal ah oo aad ugu dhow dhinacyada caalamiga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Mareykanka iyo Boqortooyada Midowday (UK) ay wadaan dadaal cusub oo lagu doonayo in miiska wada-hadallada la isugu keeno Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxda Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Sida ay sheegayaan ilahaasi, kulankan la qorsheynayo ayaa lagu doonayaa in lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah, si loo yareeyo khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya. Si kastaba ha ahaatee, isla ilahaasi waxay tilmaamayaan in rajada laga qabo in wada-hadalladu miro-dhal noqdaan ay weli aad u hooseyso.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladaha reer Galbeedka ay kordhiyeen dadaalladooda, iyagoo ka walaacsan in geeddi-socodkii dowlad-dhiska Soomaaliya ee ay muddo dheer taageerayeen uu wajahayo halis sii kordheysa. Sida lagu sheegay xogta, waxaa socda cadaadis diblomaasiyadeed oo lagu saarayo dhinacyada siyaasadda si loo helo is-afgarad degdeg ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa intaa ku daraya in haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed, qaar ka mid ah waddamada taageera Soomaaliya ay miiska saareen aragtiyo la xiriira dib-u-eegista qaabka taageerada caalamiga ah. Aragtiyahaasi waxaa ka mid ah in dib loo tixgeliyo hannaan ay si toos ah ula macaamilaan dhinacyada kala duwan, iyo sidoo kale fikrado kale oo la xiriira mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo la cuskanayo in muddo-xileedkii dastuuriga ahaa uu dhammaaday, isla markaana aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo lagu mideysan yahay.









