LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ganacsiga Soomaaliya oo wajahaya isbeddel weyn kadib arrin ku qasabtay…

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay raadiyaan waddooyin cusub oo ay badeecooyinka ku soo gaarsiiyaan dalka, kaddib markii ay sii kordheen khataraha amni ee ka jira marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

Ganacsatada ayaa muddo dheer ku tiirsanaa waddooyinka mara dalalka Khaliijka, balse xaaladda cusub ee ka taagan gobolka iyo khataraha ku wajahan maraakiibta ganacsiga ayaa keentay in la raadiyo marinno kale oo ammaan ah.

Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha hadda eegaya fursado cusub oo lagu yareyn karo saameynta qalalaasaha gobolka. Warbixin ay baahisay Associated Press ayaa xustay in Soomaaliya ay dhawaan heshay badeecooyin si toos ah uga yimid Sri Lanka, taas oo muujinaysa in ganacsatada ay bilaabayaan inay kala badalaa waddooyinka ay badeecooyinka ku soo dhoofiyaan.

Khubarada dhinaca maraakiibta ayaa ka digaya in haddii amni-darrada Bab al-Mandab ay sii socoto, ay kordhi karaan kharashaadka gaadiidka iyo waqtiga ay badeecooyinku ku soo gaaraan Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidaas darteed wajahaya xaalad cusub oo ku qasbeysa inay dib u eegaan waddooyinkii ganacsi ee ay muddo dheer adeegsan jireen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *