Maamulka Laftagareen oo ku dhawaaqay duulaan culus & Ciidankooda oo…

Afhayeenka ciidamada taabacsan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka Baay, isaga oo Turkiga ku eedeeyay duqeymo ka dhacay deegaano ku dhow magaalada Baydhabo.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka Baydhabo ayaa Turkiga ku tilmaamay “cadow”, isagoo sheegay in diyaaradaha Turkiga ay duqeymo ka geysteen tuulooyin iyo deegaano ku hareeraysan magaalada, kuwaas oo uu ku andacooday inay sababeen dhimashada dad rayid ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay weli ku sugan yihiin goobahooda, isla markaana aysan ka laaban doonin mowqifkooda ku aaddan khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed.
Ugaas Xasan ayaa ugu baaqay ciidamada Daraawiishta ee la safan Laftagareen inay kordhiyaan diyaar-garowgooda militari, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la qaado guluf lagu wajaho magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay in kooxdiisu ay doonayso inay magaalada kala wareegto ciidamada uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga.
“Waxaan nahay halgamayaal xorriyadeed, waxaana u joognaa inaan dadkeenna maamulno,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Hadalladan ayaa sare u qaadaya walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay isu beddesho dagaal hubeysan, xilli ciidamada iyo maleeshiyaad kala duwan ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaanno ku dhow Baydhabo.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu doonayo inuu saameyn siyaasadeed iyo mid militari ku yeesho Koonfur Galbeed, isagoo si gaar ah u sheegay qorshe la xiriira saldhig militari oo Turkigu ka sameysanayo Baydhabo.
Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha iyo hadallada kasoo yeeray afhayeenka ciidamada taabacsan Laftagareen.
Xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee isasoo taraya ugu dhex milmayo dhaq-dhaqaaqyada militari ee ka socda Koonfur Galbeed.









