Ciidamno ka tirsan Dowladda oo gaaray Gobolka Bari iyo xiisad dagaal oo ka taagan

Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo hore uga tirsanaa maamulka Puntland, kuwaas oo horey u shaaciyay inay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ay saaka ka guureen degmada Rako-raaxo iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo u dhaqaaqay dhanka deegaanka Kalabayr ee isla gobolka Bari.
Ciidamadan oo mudooyinkii dambe isku aruursanayay Rako-raaxo ayaa la sheegay inay hadda saldhig ka dhigteen Kalabayr, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabul la xiriira xaaladda deegaanka.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadan ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ugu weyn ee ay u guureen Kalabayr uu yahay sugidda amniga deegaanka, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan shir wadatashi ah oo halkaas uga furmaya beeshooda.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhalisay walaac xooggan oo laga muujinayo suurtagalnimada isku dhac ciidan oo ka dhex qarxa maamulka Puntland iyo ciidamadaan, maadaama ay horey u jireen khilaafyo la xiriira daacadnimada iyo cidda ay ka amar qaataan.
Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhaq-dhaqaaqa cusub ee ciidamadan, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in xaaladdu isu beddesho mid amni darro keenta haddii aan xal degdeg ah laga gaarin arrintan, iyada oo Madaxda Puntland ay dhowr jeer ku Eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay farogelin ku wado arrimaha Puntland.









