Gabar Soomaaliyeed oo ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka dhacay Koonfur Afrika

Alle ha u naxariistee, gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Jimcaale ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay magaalada Malmesbury ee dalka Koonfur Afrika.
Sida wararku sheegayaan, shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay la socdeen, taasoo sababtay dhimashada gabadha iyo dhaawac soo gaaray wiil darawal ahaa oo gaariga waday.
Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan gurmadka degdegga ah iyo booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo qaaday meydka marxuumadda iyo dhaawaca darawalka, iyagoo u gudbiyay xarumaha caafimaadka.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta keentay in gaariga uu rogmo, balse laamaha ammaanka ayaa wada baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi.
Geerida Farxiyo Jimcaale ayaa murugo weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool dalka Koonfur Afrika.









