Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka muuqatay kalsooni darro & khalkhal

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga falceliyay khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xalay u jeediyay odayaasha dhaqanka, isaga oo ku tilmaamay mid ka fogeyd heerka laga filayo hoggaanka sare ee dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in khudbadda madaxweynuhu ay ka madhnayd nuxur, ujeeddo cad iyo iskuxirnaan, isla markaana aysan lahayn bartilmaameed muuqda oo ay ku socoto. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadalka Madaxweynaha uu ahaa mid aan tixgelin siin dareenka shacabka iyo odayaasha dhaqanka ee hortiisa fadhiyay.
Sidoo kale, siyaasigan mucaaradka ah ayaa xusay in khudbadda ay ahayd mid “iskudhex-yaacsan” oo ay ka muuqatay kalsooni darro, isaga oo tilmaamay in Madaxweynaha uu si weyn uga hadlay welwelka uu ka qabo dhammaadka muddo-xileedkiisa, halkii uu diiradda saari lahaa xaaladda guud ee dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in hadallada Madaxweynaha ay ahaayeen kuwo is burinaya, isla markaana ay ku jireen xog aan sax ahayn iyo fariimo abuuri kara khalkhal iyo kala shaki bulsho. Wuxuu ku dhaliilay in khudbaddaasi aysan ka turjumeyn haybadda iyo masuuliyadda xafiiska madaxtinnimada.
“Waxay ahayd khudbad gole-ka-fuul ah oo aan u qalmin xilka iyo xafiiska uu hayo, kana fog xilliga adag ee uu dalku marayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay hoos u dhaca muuqda ee haybadda dowladnimada.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin hoggaan mideeya, dejinaya xaaladda, isla markaana dhisaya kalsoonida iyo wadajirka ummadda, halkii ay ka heli lahaayeen hadallo keeni kara kala qeybsanaan iyo xasarad siyaasadeed.










