Farmaajo oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka ku wado meel halis ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay shacabka ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dibad-baxyadii ka dhacay magaalada Mogadishu, kuwaas oo looga soo horjeeday burburinta guryaha iyo barakicinta lagu hayo qaar kamid ah dadka rayidka ah.
Farmaajo ayaa ugu horreyn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku nafwaayey dibad-baxyadaasi, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si nabadeed uga dhiidhinayeen waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin arxan darro ah” oo ay dowladda Federaalka kula kacday dadka ku dhaqan Muqdisho.
Qoraalka kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu yiri:
“Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaska dadkii ku nafwaayey dibad-baxyada nabadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay kaga soo horjeesteen dhulboobka iyo barakicinta arxan darrada ah ee Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kaceen shacabka ku dhaqan Muqdisho.”
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyey sida ay ciidamada dowladda ula dhaqmeen dibad-baxayaasha, isaga oo sheegay in abaabulka ciidan ee lagu wajahday shacabka muujinayo xaalad siyaasadeed oo halis ah.
Farmaajo wuxuu tilmaamay in shacabka ay gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee dibad-bax nabadeed, balse loo adeegsaday awood ciidan iyo caburin.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay daliil u yihiin, sida uu hadalka u dhigay, “halista uu Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ku wado” xilli uu sheegay in muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May.
Dhanka kale, madaxweynihii hore ayaa Alle uga baryay caafimaad degdeg ah dhammaan dadkii ku dhaawacmay rabshadaha iyo rasaastii dhacday intii ay socdeen dibad-baxyada, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gurmad iyo taageero u fidiyaan qoysaska ay saameeyeen burburinta guryaha iyo barakicinta.










