LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Taliye Macalin Mahdi oo ku dhawaaqay Go’aano ka dhan ah Siyaasiyiinta mucaaradka

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in gudaha magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus, xilli ay magaalada ka socdaan bannaanbaxyo ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay qaadayaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimadda, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in hub culus lagu dhex isticmaalo magaalada.

Mahdi Cumar ayaa sheegay in si gaar ah loo mamnuucay hubka noocyadiisa culus sida BKM-ta, Dhashiikaha iyo Sabaanka, kuwaasi oo sida uu sheegay khatar ku ah nabadgelyada shacabka iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

“Muqdisho lagama oggola in lagu dhex wato hubka culus sida BKM, Dhashiike iyo Saban. Waxaan dooneynaa in la adkeeyo amniga guud ee caasimadda, ciidamada ammaankuna waxay damaanad qaadayaan badqabka shacabka,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska Banaadir.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay bannaanbaxyada ay siyaasiyiinta mucaaradka ka wadaan Muqdisho, isagoo sheegay in bannaanbaxu uu yahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniintu leeyihiin, balse loo baahan yahay in lagu qabto si nabad ah oo waafaqsan sharciga.

Waxa uu tilmaamay in dowladda hoose iyo hay’adaha ammaanka ay hore u asteeyeen goobaha lagu qaban karo isu soo baxyada, islamarkaana mucaaradka loo oggolyahay inay ku kulmaan goobahaasi, gaar ahaan Garoonka Injineer Yariisow ee degmada Cabdicasiis.

“Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, cid kasta waxay isugu imaan kartaa goobihii loo asteeyay sida Garoonka Eng Yariisow, ciidamada ammaankuna waxay diyaar u yihiin sugidda amniga,” ayuu hadalkiisa ku daray

Hadalkan kasoo baxay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho meelo kamid ah ay maanta ka qabsoomeen bannaanbayxo ay dhigayeen siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qaar kamid ah Shacabkii dowladda Guryaha ka burburisay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *