LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Beesha Caalamka oo dhex-dhexaadineysa Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka

Waxaa la filayaa in maalinta Arbacada ee soo socota kulan xasaasi ah oo deg-deg ah uu ka qabsoomo Xarunta Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay isugu imaan doonaan wakiillo sare oo ka  socda Beesha Caalamka, Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya.

Kulankan oo lagu tilmaamay mid muhiim u ah dejinta xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa, ayaa waxaa garwadeen ka noqon doona Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb qaadan doonto Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Wararka uu helay Banaadir24.com ayaa sheegaya in dhinaca mucaaradka ay kulanka uga qeyb geli doonaan Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda hanaanka doorashooyinka iyo siyaasadda Dowladda Federaalka.

Dhanka Dowladda Federaalka, waxaa la sheegay in kulanka ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Ilo xog ogaal ah ayaa Somali Eye u sheegay in kulankan diiradda lagu saari doono sidii xal deg-deg ah looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka dalka, iyo cabashooyinka mucaaradka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya, Madaxtooyada Puntland ama xafiisyada siyaasiyiinta mucaaradka ee ku saabsan ajandaha rasmiga ah ee kulanka, balse waxaa jira rajo laga qabo in wadahadalladu horseedi karaan tanaasul siyaasadeed iyo heshiis cusub oo lagu wajaho doorashooyinka dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *