Farmaajo Oo Qaadacay Doorasho Aysan Puntland iyo Jubbaland Ka Qeyb-galeyn

Xisbiga Nabad iyo Nolol (NN), oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu Beesha Caalamka la wadaagay mowqif siyaasadeed oo adag oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga, Nabad iyo Nolol ayaa ku adkeystay in mustaqbalka doorashada Soomaaliya uu ku saleysnaado wada-tashi, is-afgarad iyo ka-qaybgal loo dhan yahay, iyagoo xusay in aan la aqbali karin hannaan doorasho oo ay ka maqan yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in xisbigu Beesha Caalamka u sheegay in doorasho kasta oo la doonayo inay noqoto mid xasillooni siyaasadeed keenta ay tahay inay hesho taageerada iyo ka-qaybgalka dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee siyaasadda dalka. Sida uu xisbigu qabo, hannaan aan loo dhammayn wuxuu abuuri karaa khilaaf siyaasadeed iyo muran cusub oo saameyn ku yeesha geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Nabad iyo Nolol ayaa sidoo kale tilmaamay in xisbigu uusan ka qayb geli doonin doorasho kasta oo aan ku dhisnayn is-afgarad qaran, isla markaana ay aaminsan yihiin in wadahadal iyo heshiis siyaasadeed ay yihiin jidka ugu habboon ee lagu gaari karo doorasho xor ah, xalaal ah, isla markaana ay kalsooni ku qabaan dhammaan saamileyda siyaasadda.
Mowqifkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo kala aragti duwanaanta ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda ay sii xoogaystaan kulamada iyo dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo Beesha Caalamka.









