Duqeyn Lagu Xasuuqay Al-Shabaab: 42 La Dilay Iyo Fariisimihii Oo…

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay tuulada Goobo, oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dib isugu urursanayeen firxadkii maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee Ciidanka Xoogga Dalka ku soo jabiyay dagaal shalay galab ka dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.
Duqeymaha ayaa lagu dilay 42 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari ciidan oo Cabdibile ah, fariisimo iyo difaacyo ay Khawaarijtu ka sameysteen deegaanka.
Howlgallada socda ayaa dhabar-jab xooggan ku noqday Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo la wiiqay awooddoodii abaabul iyo dhaqdhaqaaq. Bilihii la soo dhaafay, Khawaarijtu waxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka kala kulmayeen khasaare culus oo galaaftay boqolaal maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda deegaanka, kuwaas oo si wadajir ah u jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.









