Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cumar (Umar) ayaa fiidnimadii Isniinta si naxdin leh loogu toogtay gudaha dukaankiisa (spaza shop) ee ku yaalla deegaanka Bonteheuwel ee Cape Flats, magaalada Cape Town, dalka Koonfur Afrika.
Sida ay booliisku sheegeen, Cumar oo 31 jir ahaa ayaa xilligaasi u adeegayay macaamiisha dukaankiisa, markii koox hubeysan ay si lama filaan ah rasaas ugu fureen. Waxaa haleeshay xabbad kaga dhacday laabta, wuxuuna ku geeriyooday goobta ka hor inta aysan gurmadku imaan.
Dableydii weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilka iyo sababta loo beegsaday. Booliiska Koonfur Afrika ayaa furay baaritaan rasmi ah, iyagoo shacabka ka codsaday inay soo gudbiyaan xog kasta oo ka caawin karta qabashada dambiilayaasha.
Xildhibaanka deegaanka, Angus McKenzie, ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, isagoo ku tilmaamay Cumar ganacsade bulshada si wanaagsan ugu adeegayay isla markaana caan ku ahaa naxariis iyo wanaag.
Dilkan ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ganacsade kale oo dukaanle ah lagu rasaaseeyay isla deegaanka, inkastoo uu weerarkaas ka badbaaday. Booliisku weli ma xaqiijin in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin.









