Farmaajo oo farriin adag u diray Ciidanka Xoogga dalka

Farmaajo oo farriin hambalyo iyo dhiirrigelin ah u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo ku aaddan maalinta 12-ka Abriil oo ah maalinta la aas-aasay ciidanka.
Farmaajo ayaa ku ammaanay ciidanka geesinimada iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan difaaca dalka, ilaalinta midnimada iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in ciidanku ay laf-dhabar u yihiin qarannimada, isla markaana ay si joogto ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in 12-ka Abriil ay tahay maalin xusuus gaar ah leh, maadaama ay ku beegan tahay markii la aasaasay ciidanka, taas oo muujinaysa dadaalka iyo halganka ay u soo galeen difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ayaa ugu dambeyn ciidamada ku dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, islamarkaana ay sii xoojiyaan waajibaadka qaran ee saaran, si loo gaaro nabad waarta, difaac adag iyo dimuqraadiyad horumarsan.










