LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Saraakiishii & Ciidamadii Laftagareen oo gaaray Baydhabo & Dowladda Soomaaliya…

Saraakiishii ugu sarreysay ciidamadii ku sugnaa deegaanka Owdiinle ee taabacsanaa maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray magaalada Baydhaba, halkaas oo si rasmi ah ay ula wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka cusub ee deegaanka, kadib wada-hadallo lagu xaliyay xaaladda ciidankaasi.

Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay ku dhawaad 2,000 askari ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Owdiinle, waxaana heshiiska lagu gaaray in si nabad ah loogu wareejiyo dowladda, si loo helo nidaam mideysan oo amni.

Wasiir ku-xigeenka Amniga, Maxamed Yare, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan ku sugan Baydhaba, iyagoo hoggaaminaya dadaallada lagu dhammeystirayo habraaca la wareegidda iyo dib-u-habeynta ciidanka.

Sidoo kale, waxaa socda diyaarinta xeryihii lagu dejin lahaa ciidamadan, iyadoo qorshuhu yahay in lagu sameeyo dib-u-nidaamin iyo qarameyn buuxda, si ay uga mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga, laguna mideynayo ciidamada kala duwan ee ka howlgala dalka, si loo helo ciidan qaran oo isku dhafan kana madax bannaan kala qeybsanaan maamul.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *