Burcad-Baddeeda Soomaalida oo Afduubtay Markab Shidaal

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa shaaciyay in markab shidaal qaada lagu afduubay meel u dhow xeebaha gobolka Shabwa, kaddib markii ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan.
War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada taageersan dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in markabka oo lagu magacaabo M/T Eureka uu ku socday marin-biyoodka koonfurta dalka Yemen xilligii uu weerarku dhacay. Kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay si lama filaan ah u fuuleen markabka, kadibna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku hayntiisa, iyagoo beddelay jihadii uu ku socday una leexiyay dhanka Gacanka Cadmeed.
Ilo amni ayaa tilmaamaya in weerarka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay jirto tuhun xooggan oo muujinaya in kooxaha falka geystay ay xiriir la leeyihiin burcad badeed Soomaali ah, inkastoo aan weli jirin caddeyn rasmi ah oo arrintaas xaqiijinaysa.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay inay si degdeg ah uga falceliyeen dhacdada, iyagoo bilaabay howlgal ballaaran oo lagu raadinayo markabka la afduubay. Laba doonyood oo roondo ah ayaa laga diray magaalada Cadan, halka cutubyo kale oo badeed ay ka baxeen xeebaha Shabwa si ay u xoojiyaan baadi-goobka.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu wajahayo caqabado la xiriira xaaladaha badda iyo xaddidaadda awoodda ciidamada, balse saraakiisha ayaa adkeeyay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu doonayo in lagu helo markabka iyo badbaadinta shaqaalaha saaran.
Sidoo kale, dowladda Yemen ayaa sheegtay inay la kaashaneyso hay’ado caalami ah iyo kuwa amniga badda ee ka howlgala marin-biyoodka Gacanka Cadmeed, si loo helo xog dheeraad ah oo ku saabsan halka uu marayo markabka iyo cidda ka dambeysa afduubka.









