LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Boosaaso iyo Ciidamo Beeleed xirtay waddooyinka

Waxaa saaka xaalad kacsanaan ah laga soo sheegay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii ciidamada PMPF iyo ciidamo la socda Beelaha Dishiishe ay isku hor fariisteen afaafka hore ee Hotel Jubba, halkaas oo lagu waday in uu ka qabsoomo shir ay beeshu uga tashanayso aayaheeda iyo xaaladda guud ee deegaanka.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddu isu beddesho iska hor imaad haddii aan xal degdeg ah laga gaarin muranka taagan.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, dowladda Puntland ayaa la rumeysan yahay inay ka biyo diiddan tahay qabsoomidda shirkaasi, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka oo si cad u qeexaya sababta loo diidan yahay kulanka.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Hotel Jubba ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo feejignaan sare laga dareemayo aagga, halka dadka shacabka ah ay si weyn uga walaacsan yihiin suuragalnimada in xaaladdu faraha ka baxdo.

Shirka ay qabanqaabinayeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beelaha Dishiishe ayaa la sheegay in looga hadli lahaa arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee beesha, xaaladaha amni iyo saamaynta siyaasadeed ee gobolka Bari, iyadoo kulankaasi uu muddooyinkii dambe abaabulkiisu socday.

Qaar kamid ah odayaasha deegaanka ayaa ku baaqay in xiisadda lagu dhammeeyo wada hadal iyo is faham, si looga fogaado colaad hor leh oo saameyn ku yeelata shacabka magaalada Boosaaso.

Ilaa hadda ma jiro wax rasaas ah oo la isku adeegsaday, balse jawiga magaalada ayaa weli kacsan, waxaana si gaar ah loo adkeeyay ammaanka waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Hotel Jubba.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *