LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka DANAB oo soo afjaray Xubno ka tirsan Al-Shabaab kuwa kalena Nolosha ku qabtay

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday bar kontorool oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Toratorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska Danab, laguna daabacay boggooda Facebook, ayaa lagu sheegay in howlgalka oo si taxaddar leh loo qorsheeyay lagu guuleystay in lagu soo qabto dagaalamayaal ku sugnaa goobtaas kontorool.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd burburinta xarumo iyo goobo ay Al-Shabaab uga qaadaan canshuuro sharci-darro ah shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka waaweyn, gaar ahaan jidka isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.

Taliska Danab ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay si toos ah u xoojinayso sugidda amniga, xorriyadda isu-socodka, iyo badqabka ganacsiga, kuwaas oo muhiim u ah nolosha shacabka ku nool deegaannadaasi.

Ugu dambeyn, Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadidda howlgalada joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *