DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Uganda oo Ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay Soomaaliya u dirtay guutada dagaalka ee lambarkeedu yahay 47-aad (Battle Group 47), taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya.

Guutadan ayaa la sagootiyay 28-ka Abriil 2026, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Nakaseke, halkaas oo saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Uganda ay kula dardaarmeen askarta inay muujiyaan anshax, xirfad iyo wadajir inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda.

Taliyaha Qaybta Koowaad ee ciidanka Uganda oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay askarta dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin howlgal culus oo u baahan feejignaan iyo karti militari.

Saraakiisha milatariga ayaa sidoo kale sheegay in guutadan ay soo martay tababaro dhameystiran oo socday tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore, kuwaas oo isugu jiray dhinacyada jir dhiska, maskaxda, xeeladaha dagaalka iyo howlgalada nabad ilaalinta. Waxaa la tilmaamay in heerka diyaar garowga ciidankan uu gaaray 95%, taas oo muujinaysa in ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin howlgalka Soomaaliya.

Guutada 47-aad ayaa la filayaa inay ku biirto ciidamada kale ee Uganda iyo kuwa Midowga Afrika ee horey uga howlgalayay Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray sugidda amniga, la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo taageeridda dowlad dhiska.

Taliyeyaasha ciidanka Uganda ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ilaalinta sumcadda ciidanka iyo matalaadda wanaagsan ee dalka Uganda, iyagoo sheegay in askartu ay yihiin wejiga dalka marka ay joogaan howlgalada caalamiga ah.

Uganda ayaa kamid ah dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, xilligaas oo uu bilowday howlgalka Midowga Afrika. Tan iyo markaas, ciidamada Uganda waxay door muuqda ka qaateen howlgalada amniga iyo xasilinta, iyagoo weli kamid ah laf-dhabarta ciidamada caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.

Dirista guutadan cusub ayaa kusoo beegmeysa xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo amniga dalka, iyadoo ciidamada caalamiga ah ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Soomaaliya si loo gaaro xasillooni waarta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *