Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka laga helayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo caro ka dhalatay eedaysanayaal ay dhowaan xireen Laamaha Amniga Puntland, kuwaas oo lala xiriirinayo falal burcad-badeednimo. Sida ay tilmaamayaan ilo deegaanka ah, dableyda weerarka qaaday ayaa la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin ehelada ama taageerayaasha dadka la xiray.
Goob-joogayaal ku sugan Garacad ayaa sheegay in uu dhacay iska horimaad culus oo u dhexeeyay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ilaalada ka ahaa saldhigga. Rasaas xooggan ayaa la maqlayay muddo kooban, taas oo cabsi ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka.
Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay iska horimaadka, halka askari kale uu ku dhaawacmay. Dhaawaca askariga ayaa la sheegay in loo qaaday goob caafimaad si loola tacaalo xaaladdiisa.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Puntland ay si degdeg ah gurmad u sameeyeen, islamarkaana ay ciidamo dheeraad ah u direen Garacad si loo xakameeyo xaaladda amni loogana hortago weerarro kale oo suurtagal ah.
Ilaa iyo hadda, laamaha amniga Puntland si rasmi ah ugama aysan hadlin weerarka, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda oo ku aaddan khasaaraha rasmiga ah ama tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono.









