Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay soo celinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, oo ka baaqday ka qeybgalka tartan caalami ah oo ka socda Mareykanka, Canada iyo Mexico kadib markii loo diiday ogolaanshaha gelitaanka Mareykanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ay si dhow ula shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada dalka, isla markaana ay galeen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayay in arrinta lagu xalliyo si degdeg ah, hase yeeshee aan lagu guuleysan.
Waxay Wasaaraddu ku tilmaantay Cumar Cartan inuu yahay astaan muujinaysa kartida iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo carrabka ku adkeysay in guulihiisa ay sharaf u yihiin dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay xaqiijisay in ay sii wadi doonto taageerada iyo dadaallada lagu horumarinayo fursadaha caalamiga ah ee garsooraha, isla markaana ay ka go’an tahay in la xoojiyo ka qeybgalka xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ciyaaraha caalamiga ah.










