Turkiga oo safiir cusub u magacaabay Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa u magacawday Ferhat Alkan inuu noqdo safiirka cusub ee Ankara u fadhiya Soomaaliya, isagoo beddelaya safiirkii hore Alper Aktaş oo loo wareejiyay xil diblomaasiyadeed kale. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isbeddel diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Safiirkii hore ee Turkiga ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wajahayay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah mucaaradka Soomaaliya, kuwaas oo ku eedeeyay inuu si dhow ula safnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Villa Somalia, taasoo ay sheegeen inay dhaawacday doorkii dhexdhexaadnimo ee Ankara ku lahayd arrimaha siyaasadda dalka.
Magacaabista Ferhat Alkan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo marxalad istaraatiiji ah, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda istiraatiijiga ah ee gobolka.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in imaanshaha safiirka cusub ay Ankara siin karto fursad ay ku xoojiso kalsoonida dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed iyo dooddo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka.









