Doorashada Koonfur Galbeed Oo Qarka u Saaran Burbur Siyaasadeed, Khilaafkii Ugu Adkaa Oo Ka Taagan 3 Qodob

Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa gashay marxalad xasaasi ah, iyadoo ay weli taagan yihiin khilaafyo u dhexeeya musharaxiinta mucaaradka ah iyo dhinacyada taageersan hoggaanka maamulka hadda jira.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, musharaxiinta mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in geeddi-socodka doorashada uu noqdo mid hufan, cadaalad ah, isla markaana ka madax-bannaan saameyn siyaasadeed. Saddex qodob oo ay soo jeediyeen ayaa weli dood adag ka taagan tahay, iyadoo la sheegay in Villa Somalia ay ka soo horjeedo qaar kamid ah dalabaadkaas.
Qodobka koowaad ayaa ah in guud ahaan hoolka doorashada laga mamnuuco isticmaalka taleefannada gacanta, si loo ilaaliyo qarsoodiga codbixinta isla markaana looga hortago sawir qaadasho gudaha goobta codeynta. Musharaxiinta qaar ayaa arrintan si adag uga hor yimid, halka dhinacyo kale ay ku adkeysanayaan in la dhaqan geliyo.
Qodobka labaad wuxuu khuseeyaa goobta iyo waqtiga lagu qabanayo doorashada. Musharaxiinta ayaa dalbanaya in codbixinta lagu qabto goob amnigeeda ay sugaan ciidamada Midowga Afrika, isla markaana doorashadu dhacdo xilliga maalinta oo kaliya. Wararka ayaa tilmaamaya in ay jiraan qorshayaal kale oo la xiriira goob iyo waqti kala duwan oo lagu qaban karo doorashada.
Qodobka saddexaad ayaa ah arrin la xiriirta hannaanka loollanka, iyadoo musharaxiinta qaar ay ku baaqeen in isbeddel lagu sameeyo maamulka hadda xilka haya si loo xaqiijiyo tartan siman. Dalabkaas ayaa la sheegay inuu diidmo kala kulmay dhinaca maamulka iyo taageerayaashiisa.
Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay jiraan qorsheyaal kale oo lagu maareynayo xaaladda, si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo waqtigii loo qorsheeyay ee 10-ka bishan, xitaa haddii ay soo baxaan mushkilado siyaasadeed ama kala aragti duwanaansho musharaxiinta dhexdooda ah.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo hufnaanta iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashada, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee dhinacyada kala duwan.









