LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadashay arrimo xasaasi ah

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay diblomaasiyiinta caalamka ee ka howlgala dalka.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Macallin iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Xildhibaan Cali Cumar Maxamed, kuwaas oo si wadajir ah ula falgalay wakiillada beesha caalamka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa intii uu kulanku socday diblomaasiyiinta uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, iyagoo si gaar ah u dul istaagay horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo fulinta ajendeyaasha qaran.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka kala socday safaaradaha caalamka ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala gudaha dalka, kuwaas oo muujiyay danahooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay isfaham iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *