LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dad isku qoys ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn dhinaca cirka ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Duqeyntaasi ayaa la sheegay inay sababtay dhimashada dad rayid ah oo ku sugnaa guri ku yaallay gudaha deegaanka.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, diyaaradaha dagaalka ayaa beegsaday guri ay deganaayeen qoys shacab ah, waxaana halkaasi ku geeriyooday ugu yaraan laba qof oo isku qoys ahaa. Dadka geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Axmed, oo ahaa mu’addin ka tirsan mid kamid ah masaajidda degmada Buq-aqable, iyo gabadhiisa Xafsa Cabdi, oo ahayd 15 jir xaafidul Qur’aan ah.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in duqeyntu dhacday xilli habeenimo ah, islamarkaana aysan jirin digniin hore oo lasiiyay dadka deegaanka. Waxa ay tilmaameen in guriga la duqeeyay uu ahaa hoy ay deganaayeen dad rayid ah, isla markaana aysan ka jirin dhaqdhaqaaqyo ciidan xilliga weerarku dhacay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa muujiyay walaac ku saabsan kororka duqeymaha ka dhaca deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar ay ku waxyeelloobaan dad aan wax lug ah ku lahayn dagaallada socda.

Dowladda Somaaliya gaar ahaan Hay’adda NISA oo duqeynta ka hadashay ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday gobolka Hiiraan lagu dilay 25 Xubnood oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa xilli marar badan lasoo tabiyay in dad rayid ah ay ku dhinteen weerarro cirka ah oo ka dhacay gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, inkastoo inta badan dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera howlgaladaasi ay sheegaan in bartilmaameedyadu yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *