Gaadiid dagaalka iyo Hub culus oo laga soo dejiyay Dekadda Muqdisho iyo dowladda oo qorsho culus ka leh

Dowladda Turkiga ayaa saacadihii lasoo dhaafay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho kasoo dejisay gaadiid dagaal iyo hub kala duwan oo loogu talagalay Guutada 33-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Markab sida qalabkan ciidan ayaa kusoo xirtay dekedda Muqdisho, iyadoo dowladda Turkigu ay si rasmi ah ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee weli ka dagaallanta qaybo kamid ah dalka.
Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaadiidka dagaalka iyo hubkan cusub ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu taageero howlgalada ciidamada Kumaandooska Gorgor ay ka wadaan furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Saraakiisha ayaa sheegay in qalabkan cusub uu sare u qaadayo awoodda ciidamada ee dhinacyada dhaq-dhaqaaqa ciidamada, weerarrada qorsheysan iyo sugidda amniga goobaha laga xoreeyo kooxda. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in taageerada Turkiga ay qeyb ka tahay iskaashi amni iyo mid milatari oo muddo dheer soo dhex marayay labada dowladood.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo door muuqda ka qaadatay dib u dhiska ciidamada qalabka sida, tababarrada ciidamada Kumaandooska Gorgor, dhismaha xarumo ciidan iyo bixinta agab militari.
Guutada Gorgor oo ah ciidamo si gaar ah u tababaran, kana mid ah kuwa ugu awoodda badan ciidamada Soomaaliya, ayaa sanadihii lasoo dhaafay hormuud u ahaa howlgallo badan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobollada dalka.
Soo dejinta gaadiidkan dagaal iyo hubkan cusub ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardar galinayso wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan gulufyo militari oo lagu doonayo in kooxda looga saaro meelaha ay kaga harsan yihiin dalka.









