LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday War ka nixiyay Ganacsatada qaar iyo hadal-heyn ka dhalatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heer wanaagsan uu marayo qorshe ballaaran oo dalka loogu soo iibsanayo koronto laga keenayo Itoobiya, iyadoo mashruucan lagu tilmaamay mid wax weyn ka beddeli kara dhibaatada koronto yaraanta iyo qiimaha sare ee shacabka Soomaaliyeed ay muddada dheer ka cabanayeen.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ka hadlay barnaamijka Miisaan ee warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in qorshaha isku xirka korontada Soomaaliya iyo Itoobiya uu hadda marayo heerar muhiim ah.

Wasiirka ayaa xusay in korontada laga keenayo Itoobiya ay Soomaaliya uga soo geli doonto saddex marin oo kala ah Galdogob, Wajaale iyo Doolow, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay noqdaan xarumaha ugu muhiimsan ee isku xirka labada dal.

Sidoo kale, Wasiir Bidhaan ayaa sheegay in mashruucan uu maalgelinayo Baanka Adduunka, islamarkaana uu qeyb ka yahay dadaallo caalami ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta ee Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in heshiiska la qorsheynayo uu Soomaaliya u suurtagelin doono in ay hesho koronto qiimaheedu yahay shan senti halkii unug ($0.05), taas oo aad uga hooseysa qiimaha hadda laga bixiyo magaalooyinka Soomaaliya.

Magaalooyin badan oo dalka ku yaalla ayaa kamid ah goobaha ugu qaalisan dunida ee laga isticmaalo korontada, iyadoo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay adeeggaasi ku bixiyaan qiimo sare oo culays dhaqaale ku noqday shacabka iyo ganacsatada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *