LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Guddi u magacaawday arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacowday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in guddigan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono hirgelinta iyo fududeynta geeddi-socodka nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah:

  1. Cabduqaadir Elmi Cali – Guddoomiye
  2. Cali Cabdullaahi Isaaq – Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Cabdirahman Hashi Farah
  4. Maxamed Aweis Maxamed
  5. Cali Maxamed Cismaan
  6. Rufai Maxamed Salad
  7. Asho Maxamed Nuur
  8. Maxamed Xaaji Cismaan
  9. Mustaf Cabdullaahi Xasan
  10. Maxamed Muhsin Maxamuud

Guddigan ayaa loo xilsaaray dhowr howl oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • Qaban-qaabada iyo diyaarinta gogol nabadeed oo loo dhan yahay
  • Hagidda iyo bixinta talooyin ku saabsan geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta
  • Xaqiijinta matalaad cadaalad ah oo ay helaan dhammaan qaybaha bulshada
  • Ka shaqeynta dhisidda kalsoonida iyo xoojinta wada-noolaanshaha bulshada
  • Soo jeedinta talooyin wax ku ool ah oo lagu gaari karo heshiis waara

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in magacaabista guddigan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Koonfur Galbeed, si loo helo xasillooni siyaasadeed iyo dowlad-dhis dimuqraadi ah.

Sidoo kale, qoraalka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay la jaanqaadeyso dastuurka dalka iyo sharciyada kale ee hagaya nidaamka dowladnimo, iyadoo diiradda la saarayo xal u helidda khilaafaadka iyo dar-dargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Wasaaradda ayaa xustay inay si dhow ula shaqeyn doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka si loo xaqiijiyo in wada-hadalladu noqdaan kuwo loo dhan yahay oo miro-dhal ah.

Ugu dambeyn, dowladda Federaalka ayaa muujisay rajadeeda ku aaddan in guddigan cusub uu door muuqda ka qaato xaqiijinta nabad waarta iyo horumar siyaasadeed oo ka hirgala Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *