LATEST NEWSLOCAL NEWS

Dowladda oo Ciidamo horleh Maanta geysay Baydhabo iyo hal arrin oo soo korortay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii kordhisay ciidamada la geeyey magaalada Baydhabo, iyadoo maanta duulimaadyo dheeraad ah lagu daabulay cutubyo ka tirsan ciidanka Haramcad, kuwaas oo la filayo inay si toos ah ula wareegaan sugidda amniga magaalada inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ciidamada deegaanka ee u dhashay Koonfur Galbeed, gaar ahaan Booliska iyo cutubyo ka tirsan Qeybta 60aad, dib loogu celiyo tababaro. Tallaabadan ayaa la sheegay inay salka ku heyso cabsi laga qabo in ciidamadaasi ay si toos ah ugu dhex milmeen bulshada, taasoo keeni karta saameyn dhinaca amniga ah inta ay socoto doorashada.

Sidoo kale, wararka ayaa tilmaamaya in inta lagu jiro muddada doorashada, ciidamadaas laga wareejin doono mas’uuliyadda sugidda amniga, si looga hortago khataro suurtagal ah oo ka dhalan kara isku dhacyo ama faragelin.

Dhanka kale, maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa hore u muujiyay walaac ku aaddan suuragalnimada falal amni darro, oo ay geystaan kooxaha argagixisada, xilli magaalada Baydhabo ay horey uga mid ahayd magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Koonfurta Soomaaliya.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imaanaya iyadoo la adkeynayo ammaanka guud ee Baydhabo, si loo xaqiijiyo in doorashooyinka ay ku qabsoomaan jawi degan oo amni leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *