LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ammar Deg Deg ah oo la siiyay Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadannimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradaha amniga, gargaarka, xannaanada xoolaha iyo arrimaha gudaha. Wasaaradahaasi ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarineed ee socda iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada loo fidinayo bulshada reer Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ku boorriyey inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo adeegyada bulshada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeeg hufan oo tayo leh.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *