LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Deni oo Maanta si caro leh u hadlay kuna hanjabay inay is difaaci doonaan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta khudbad kulul ka jeediyay degmada Carmo ee gobolka Bari, taas oo si weyn uga tarjumeysay culaysyada siyaasadeed iyo walaaca amni ee ka taagan deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu wajahneyd ciidamada isku-dhafan ee loo bixiyay Calmiskaad Defence Forces (CDF), kuwaas oo dhawaan la diiwaan-geliyay, isla markaana xarun iyo fadhi ku leh degmada Carmo. Ciidamadan ayaa siwyen u taageera dowladda Soomaaliya oo mushaar siisay bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa ku sheegay in gobolka Bari ay ku sugan yihiin ciidamo iyo saraakiil aan ka tirsaneyn Puntland, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay si qarsoodi ah uga hawlgalaan deegaannada qaar. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay diyaar u tahay inay iska difaacdo cid kasta oo kusoo xadgudubta, ha ahaato mid dibadda ka timaada ama gudaha dalka.

“Puntland waxay awood u leedahay inay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda, cid kasta oo isku dayda inay khalkhal geliso amniga waa laga hortagayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Khudbaddan uu Madaxweyne Deni Maanta ka jeediyay Carmo ayaa ka duwaneyd mid uu hore uga jeediyay degmada Baran, halkaas oo uusan si weyn uga hadlin arrimaha la xiriira ciidamada federaalka, maadaama aysan halkaas ku sugneyn ciidamo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka. Khilaafkan ayaa si gaar ah uga dhex muuqda arrimaha ciidamada iyo maamulka amniga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *