Cumar Cabdirashiid oo digniin culus kasoo saaray qodista Shidaalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa ka digay in kheyraadka dabiiciga ah ee dalka sida shidaalka iyo macdanta ay isu beddeli karaan il khilaaf siyaasadeed, haddii aan laga gaarin heshiis qaran oo mideeya dhinacyada siyaasadda.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in mustaqbalka kheyraadka dalka uu si weyn ugu xirnaan doono sida ay madaxda Soomaaliyeed uga gaaraan is-afgarad arrimo muhiim ah sida dastuurka, ku dhaqanka sharciga, doorashooyinka, iyo nidaamka loo maamulayo shidaalka iyo macdanta.
Wuxuu xusay in dib u dhaca doorashooyinka iyo waxa uu ku tilmaamay “aamusnaanta siyaasadeed” ee hadda jirta ay keeni karto xiisado hor leh, kuwaas oo halis gelin kara xasilloonida dalka.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu si cad u qeexo xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana la qabto shir qaran oo ay isugu yimaadaan dhammaan saamileyda siyaasadda, si loo gaaro heshiis ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah.
“Saliidda iyo kheyraadka macdanta waxay noqon karaan barako, balse xaalado qaar waxay sidoo kale isu beddeli karaan dhibaato. Inta badan arrintan waxay ku xirnaan doontaa in la gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan arrimo muhiim ah sida dastuurka, ku dhaqanka sharciga, doorashooyinka, iyo siyaasadaha saliidda iyo macdanta,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan dooddo ku saabsan doorashooyinka iyo maamulka kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.









