LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Masar oo taageero xoogan u muujisay Soomaaliya kuna dhawaaqday…

Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay qorshe la sheegay in maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Quddus, taas oo ay Masar ku tilmaantay tallaabo sharci darro ah oo ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee ku saabsan xaaladda magaalada Quddus ee la haysto.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay si toos ah u dhaawaceyso xaaladda sharci iyo taariikheed ee magaalada Quddus, islamarkaana ay xadgudub ku tahay xuquuqda shacabka Falastiin.

Masar waxay sheegtay inay si buuxda u diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu doonayo in wax looga beddelo xaaladda magaalada Quddus, iyadoo xustay in Bariga Quddus ay tahay dhul Falastiiniyiin ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967.

Bayaanka ayaa lagu adkeeyay in furitaanka wax loogu yeeray “safaarad” ee Somaliland ay tahay arrin aan sharciyad lahayn, isla markaana aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan karin xaaladda magaalada Quddus.

“Masar waxay si buuxda u diiddan tahay dadaal kasta oo lagu doonayo in sharciyad lagu siiyo tallaabooyin ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda Masar waxay ku celisay mowqifkeeda taageerada xuquuqda shacabka Falastiin iyo in la ilaaliyo xaaladda taariikhiga ah ee magaalada Quddus.

Dhanka kale, Masar ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay kasoo horjeedo tallaabo kasta oo wax u dhimaysa wadajirka iyo karaannimada dhuleed ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa xusay in Masar ay si buuxda u taageereyso “midnimada iyo badqabka dhuleed ee Soomaaliya,” isla markaana ay diiddan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn karta madax-bannaanida dalka.

Hadalkan kasoo baxay Masar ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xiriira xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyo warar ku saabsan qorshayaal diblomaasiyadeed oo cusub oo ka socda gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *