Akhriso Magacyada:- Ciidanka DANAB oo Dad isku qoys ah ku dilay Hal goob iyo qeylo dhaan laga muujiyay

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa lagu eedeeyay inay dileen dad rayid ah oo isku qoys ahaa, kadib howlgal gaar ah oo ka dhacay tuulada Kanjaroon ee gobolka Jubbada Hoose. Dadka deegaanka iyo ehellada dhibbanayaasha ayaa sheegay in howlgalkaasi uu sababay dhimashada toddobo ruux oo dhammaantood ahaa shacab aan hubeysneyn, halka qof kale uu dhaawac culus kasoo gaaray.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, islamarkaana matalaya dadka deegaanka ay waxyeelladu kasoo gaartay howlgalkaasi, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay si deg deg ah uga jawaabto dhacdada, islamarkaana baaritaan rasmi ah lagu sameeyo dilka dadka shacabka ah.
Sida wararka lagu helayo, dadka ku dhintay howlgalkaasi ayaa kala ahaa:
- Ahmed Salad Hassan – 45 jir
- Osman Ahmed Salad – 17 jir
- Jecela Ahmed Salad – 14 jir
- Hamdi Ahmed Salad – 12 jir
- Habibo Osman Maxamuud – 95 jir
- Bishaara Ibraahim Osman – 39 jir
- Cabdow Osman Omar – 36 jir
Sidoo kale, weerarkaasi waxaa dhaawac culus kasoo gaaray nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Salad, kaas oo la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato.
Dhanka kale, waxaa la xaqiijiyay inay ka badbaadeen weerarka dhowr carruur ah oo ay isku qoys ahaayeen dadka la dilay, kuwaas oo kala ah:
- Fican Ahmed Salad – 10 jir
- Ladan Ahmed Salad – 8 jir
- Fatuma Ahmed Salad – 6 jir
- Aden Ahmed Salad – 4 jir
- Cabdiraxiin Ahmed Salad – 1 jir (naas nuug)
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aad looga argagaxay, isagoo xusay in dowladda looga baahan yahay inay shacabka u caddeyso sababta loo bartilmaameedsaday qoyskaasi. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka inay baaritaan madax bannaan sameeyaan, isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh dhacdadan.
Ilaa iyo hadda, taliska Ciidanka DANAB iyo dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay howlgalka ka dhacay Kanjaroon.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, iyadoo mararka qaar ay soo baxaan cabashooyin la xiriira khasaaraha shacabka kasoo gaara dagaallada iyo duqeymaha.









