LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay inay fashiliyeen weerar Al-Shabaab kusoo qaaday Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada XDS ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, maleeshiyaadka ayaa muddo isku dayayay inay weerar ku qaadaan magaalada, balse ciidamada dowladda ayaa si adag uga hortagay, iyagoo jabiyay weerarkii.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada XDS ay Khawaarijta gaarsiiyeen jab xooggan, isla markaana laga qabsaday hub iyo gaadiid ay wateen.

Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay dib u gurteen, iyadoo ciidamada XDS ay sii wadeen daba-galka kooxihii ka firxaday goobihii lagu dagaallamay.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay feejignaan sare ku jiraan, waxaana shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed loogu baaqay inay muujiyaan degganaansho iyo wada-shaqeyn, iyadoo ciidamada Qaranka ay sii wadaan sugidda amniga magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *