Booliiska Gobolka Banaadir oo Muqdisho kawada howlgal culus iyo Ciidamad Sheekh Shariif oo…

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo la sheegay in ay magaalada ku dhex qariyeen maleeshiyaadkii dhawaan weerarka ka geystay Degmada Cabdicasiis.
Qoraal uu soo saaray Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku ay baaritaanno iyo howlgallo ka wadaan goobo kala duwan oo looga shakisan yahay in lagu keydiyay hubkaasi, si looga hortago khatar kasta oo amniga magaalada Muqdisho wax u dhimi karta.
Taliska ayaa shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo deegaanada ku dhow dhow ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, iyagoo tilmaamay in wada-shaqeynta bulshada ay muhiim u tahay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, Booliiska ayaa si cad u sheegay inaan la aqbali doonin in guryo lagu keydiyo ama lagu qariyo hub sharci-darro ah, waxaana la adkeeyay in tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hubkaasi.
Hay’adaha ammaanka ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqay inay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta hub sharci-darro ah iyagoo wacaya lambarada gurmadka ee 991 ama 199.









