LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal Qaraar oo Ka Qarxay Kurtunwaarey, Dowladda iyo Al-Shabaab oo Guulo Kala Sheegtay

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay gudaha iyo daafaha degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo sababay khasaare isugu jira ciidamo iyo dad rayid ah, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhinacyada ku lugta lahaa dagaalka iyo ilo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday fiidnimadii Sabtida, isagoo socday saacado badan, iyadoo dadka deegaanka ay soo weriyeen rasaas culus iyo qaraxyo laga maqlayay qaybo kala duwan oo degmada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa labaduba guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyagoo soo bandhigay warar is khilaafsan oo ku saabsan natiijada iska horimaadka.

War-saxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan laga fuliyay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Kurtunwaarey. Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan kooxda.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay inay iska caabiyeen howlgalka, islamarkaana ay dileen toddobo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda. Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay inay jiraan khasaare kale oo soo gaaray ciidamada dowladda, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin sheegashooyinkaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *