Mareykanka Oo Soomaaliya U Arkay Furaha Amniga Badda Cas

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa si hoose u dardargelinaya xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee uu la leeyahay dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo weerarrada sii kordhaya ee lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ay sare u qaadeen walaaca ku saabsan ammaanka marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
Bab el-Mandeb, oo u dhexeeya Yemen iyo Jabuuti, ayaa ah marin istaraatiiji ah oo isku xira Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys. Khubarada ayaa ka digaya in haddii khalkhal amni uu ka sii bato halkaas, isla markaana cadaadis uu ka sii jiro Marin-biyoodka Hormuz, ay halis geli karto isu socodka ganacsiga caalamiga ah iyo dhoofinta shidaalka, taasoo durba sare u qaaday qiimaha saliidda ceeriin.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in la-taliyaha sare ee Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, uu bishan Qaahira kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo ay kulanka sidoo kale ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Masar. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray amniga Badda Cas, Geeska Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka.
Cameron Hudson, oo hore uga tirsanaa Aqalka Cad xilligii Madaxweyne George W. Bush, ayaa sheegay in Mareykanku u muuqdo inuu doonayo in dalalka Geeska Afrika aysan noqon ilo cusub oo xasillooni-darro ka abuura gobolka.
“Farriinta Mareykanku waxay u muuqataa inay tahay: Haddii aadan awoodin inaad si toos ah nooga caawisaan amniga Badda Cas, ugu yaraan noqda dhinac dhexdhexaad ah oo aan xaaladda uga sii darin,” ayuu Hudson yiri.
Dhaqdhaqaaqyadan cusub ayaa imanaya xilli Washington ay sare u qaaday dadaallada ay ku doonayso inay xoojiso amniga marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah, iyadoo laga cabsi qabo in colaadaha Bariga Dhexe ay saameyn ballaaran ku yeeshaan dhaqaalaha iyo isu socodka badeecadaha adduunka.









