LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Dagaal ka socda Xaafad ka tirsan Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kaas oo sababay xaalad kacsanaan ah iyo khasaarooyin kala duwan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran dhuleed, kadib markii ciidamada dowladda ay isku dayeen in ay baneeyaan dhul ay degan yihiin dadka deegaanka, si loogu wareejiyo ganacsato danaynaysa in ay iibsato. Dadka deegaanka ayaa si adag uga horyimid qorshahaasi, iyagoo sheegay in aanay marnaba aqbali doonin in dhulkooda si xoog ah looga qaato.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rasaas culus la is weydaarsaday, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo iyo burbur soo gaaray guryo ku yaalla xaafadda. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha, haddana xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dadku ay si weyn isaga difaacayaan weerarka ay ku eedeeyeen ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa ku adkeysanaya in dhulka ay degan yihiin uu yahay mid ay muddo dheer ku noolaayeen, ayna diyaar u yihiin in ay difaacdaan. Dhanka kale, ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada ama dowladda oo ku saabsan dhacdadan.

Xaaladda xaafadda Warlaliska ayaa weli cakiran, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalku sii xoogeysto haddii aan xal deg deg ah laga gaarin khilaafka dhuleed ee taagan.

Wararka kusoo kordha halkan kala socda

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *