Cabdikariim Ciidle oo laga dajiyay Mareykanka kadib markii ay wareejisay Dowladda Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle (Abdikerm Abdelahi Eidleh), 42 jir, oo lagu eedeeyay inuu ka mid yahay maskaxdii ka dambeysay fadeexaddii musuqmaasuqa ee “Feeding Our Future” oo lagu lunsaday ku dhowaad $250 milyan, si rasmi ah loogu wareejiyay Mareykanka kadib markii lagu soo qabtay Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in Eidleh lagu soo eedeeyay 31 dacwadood, oo ay ku jiraan khiyaano lacageed, laaluush barnaamijyo federaal ah, iyo dhaqidda lacagaha sharci darrada ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Gobolka Minnesota, Daniel N. Rosen, Eidleh ayaa markii ugu horreysay lagu soo oogay dacwad sanadkii 2022, balse wuxuu dalka ka baxsaday ka hor inta aan la qaban. Bishii Juun 2026 ayay hay’adaha ammaanka ku ogaadeen inuu ku sugnaa Soomaaliya.
Howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu sheegay inuu ku yimid iskaashi dhex maray FBI-da Mareykanka, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya. Kadib qabashadiisa, waxaa saraakiil ka tirsan FBI iyo IRS Criminal Investigation ay u galbiyeen gobolka Minnesota.
Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Daniel N. Rosen ayaa ku tilmaamay Eidleh inuu yahay qofka labaad ee ugu muhiimsan fadeexadda “Feeding Our Future”, isagoo sheegay in qabashadiisu ay caddeyn u tahay in “qof kasta oo dambi culus gala uusan ka dhuuman karin gacanta sharciga Mareykanka.”
Dhankiisa, Agaasimaha FBI-da Kash Patel ayaa sheegay in Eidleh uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu sarreeyay ee lagu tuhunsanaa qorshaha lagu dhacay lacagihii loogu talagalay quudinta carruurta xilligii COVID-19, isagoo xusay in qabashadiisu ay tahay guul weyn oo laga gaaray la dagaallanka musuqmaasuqa.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyay NISA, Booliska Soomaaliyeed, iyo hay’adaha kale ee Soomaaliya kaalintii ay ka qaateen soo qabashada iyo wareejinta eedeysanaha.
Eidleh ayaa lagu wadaa inuu 17-ka Luulyo 2026 markii ugu horreysay ka soo muuqdo maxkamad ku taalla gobolka Minnesota, halkaas oo uu uga jawaabi doono eedeymaha culus ee loo haysto.









