LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Saciid Deni oo Ka Haray Tartanka Madaxtinimada Puntland

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si cad ugu dhawaaqay inuusan mar saddexaad u tartami doonin xilka Madaxweynaha Puntland, isagoo meesha ka saaray hadal-heyntii muddooyinkii dambe ka jirtay mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Deni, oo magaalada Gaalkacyo kula hadlayay dhalinyaro, ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada Puntland la qaban doono waqtigeeda, isla markaana musharraxiinta doonaya hoggaanka Puntland ay hadda u diyaar garoobaan tartanka.

“Musharaxiinta Puntland waa inay u diyaar garoobaan doorasho, weliba waqtigeeda lagu qabanayo. Aniga musharax maahi mar saddexaad, balse xisbiga Kaah ayaa musharax leh,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ah shaacintii ugu caddeyd ee uu ka bixiyo qorshihiisa doorashada soo socota, waxaana hadda indhaha lagu wada hayaa qofka uu xisbiga Kaah u soo xulan doono inuu noqdo musharraxa beddeli kara Deni.

Go’aankan ayaa sidoo kale si weyn u furaya tartanka madaxtinimada Puntland, iyadoo siyaasiyiinta damaca ka leh kursiga madaxtooyada ay hadda helayaan farriin cad: Deni tartanka kuma jiro, laakiin Kaah weli ciyaarta wuu ku jiraa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *